VIDEO: Maroodi Jid gooyo u Dhigtay Gaadhi Raran Oo Fal Xaasidnimo Ah Ku Sameeyay.
Maroodi ka mid ah kuwa lagu xannaaneeyo xerada qaranka ee Khao Yai ee gobolka bartamaha Thailand, kaasoo jidka u galay gaadhi xamuul ah oo cows ku rarnaa.
Darawalka gaadhiga oo cabsi ka qaaday maroodiga oo aad u weynaa ayaa gaadhiga joojiyay, kadibna maroodigii wuxuu gacantiisa u adeegsaday inuu kala soo dego xidhmo ka mid ah cawskii saarnaa gaadhiga oo uu si xaasidnimo ku jirto u kala firdhiyay qaarna ku maydhay sida biyaha.