DAAWO GUUL Cusub: Somalia oo 27 Sano Kadib lasoo wareegtay Xafiiska Saadaasha Hawada & Qorshe Cusub.

Waxaa manta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu furayay xafiiska saadaasha Hawada Soomaaliya kaas oo la hirgeliyay 27 sano kadib.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo xubno kale oo dowlada katirsan ayaa ka qeyb galay furitaanka xafiiska Saadaasha Hawada Soomaaliya.

Wasiirka oo saxaafada la hadlayay ayaa yidhi “Hawada xaaladeeda dhabta ah ayay soo gudbinayaan, waxaana la soconeynaa jawiga  hawada iyo diyaaradaha maraya”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Talaabada ay dowlada Soomaaliya kula soo wareegtay xafiiska saadaasha Hawada ayaa soo dadajinaya in dowlada Soomaaliya ay si buuxda dib ula soo wareegto maamulka hawada Soomaaliya.