DAAWO: Diyaaraddii Ugu Horeysay Oo Caawa Ka Degtay Garoonka Muqdisho.

27 sanno kadib ayey caawa suuragashay in diyaarad rakaab ah markii u horeysay ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha uu shaqeynayo xiliga habeenkii.

Diyaaradda Jubba Airways oo siday rakaab ka badan boqol qof, una badnaa Xujey ayaa abaarihii 8-da Fiidnimo iyo daqiiqado soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu garoonku yahay mid shaqeynayo, diyaaradaha rakaabkana ay si caadi ah uga soo degi karaan habeenkii.Qaar ka mid ah rakaabkii ay waday diyaaradda Jubba Airways ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in iyagoo nabad ah in xilli habeen ah ka soo degaan garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha rakaabka ayaa inta badan duulimaadyadooda uu yahay mid maalinle ahaa, waxaana dhib badan ku qaba dadka Soomaaliyeed oo habeenkii muddo saacado ah Transit ku noqda garoomada diyaaradaha Joma Kenyatta, Istanbul, Addis Ababa iyo Jabuuti, si subixii Muqdisho loo aado.Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray muran u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo ku aadanaa in garoonka shaqeeyo xilliga habeenkii, iyadoo AMISOM ay sheegtay in aysan damaanad qaadi karin ammaanka garoonka xilliyada habeenkii, balse wada hadalo muddo qaatay ayaa la isku afgartay in garoonka habeenkii shaqeeyo, waxaana albaabka garoonka la xidhiidhi jiray marka la gaaro 5-ta galabinimo, marka ay shaqaalaha ka rawaxaan.Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa habeenkii adeegsada diyaarado aan la aqoon, balse loo maleynayo inay yihiin diyaarado milateri, waxaana dadka ay habeen walba maqlaan guuxa diyaarado saq dhexe dega.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha Aadan cadde uu shaqeynayo, isla markaana la kordhiyay saacadaha shaqada, waxaana dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha lagu rakibay nalal ifiya.