DAAWO SAWIRRO: Diyaaraddii Germany ee Soomaalia ee sannadkii 1977-kii lagu soo afduubtay oo lagu celiyay Dalkaas.

Diyaaradda  Lufthansa ee laga lahaa Dalka Germany (Jarmalka islamarkaana 40 Sano ka hor lagu soo afduubay Soomaaliya ayaa shalay dib loogu celiyay Dalkaasi Germany .

Diyaaradda oo ay lahayd dowladdii Germany-ga galbeed ayaa waxaa afduubay dabley reer Falastiiniyiin ahaa,kuwaas oo doonayay in dowladdii Germany-da galbeed ay u siideyso hoggaamiyayaal Falastiiniyiinta ka xidh-xidhnaa.

Dableyda ayaa Diyaaradda ka soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ex-Muqdisho Airport,waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in Rakaabka diyaaradda saarnaa la badbaadiyay.

Ciidamada gaarka ah ee Germany oo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ayaa toogtay saddex ka mid ah 4; qof oo afduubatay Diyaaradda waxaana ay halkaas ka badbaadiyeen  86 Qof oo diyaaradda la socday.

Haraadiga diyaaradda oo gaboowday oo yaallay Dalka Brazil ayaa shalay oo sabti ahayd dib loogu celiyay Dalka Germany waxaana la geeyay Magaalada Friedrichshafen,halkaas oo dib u dayactir kaddib la dhigi doono Madxafka xusuusta ee Magaaladaas.

Diyaaradda nooceeda waxaa uu ahaa Boeing 737,waxaana la afduubtay October 1977,iyada oo ka duushay Magaalada Mallorca ee Dalka Spain kuna sii jeedday Frankfurt oo Germany ah.

Ciidamada Koofi casta Germany ee loo yaqaan GS9  iyo kuwa Soomaaliya ah ayaa diyaaradda ka furtay 18kii October 1977dii, Malleeshiyada afduubatay,waxaana kaddib la geeyay Dalka Brazil ,maaddaama dadkii saarnaa u badnaayeen Brazil,sidaasna la isaga dhigay dalkaas iyada oo afartan Sano kaddib la geeyay Germany.