SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Si Maqaam Hoose ah loogu soo dhaweeyay Dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay magaalada Jiddah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga oo booqasho laba maalmood ku joogi doona halkaasi.

Waxaa garoonka caalamiga ah ee Boqor C/casiis, magaalada Jiddah ku soo dhoweeyay ku xigeenka Amiirka Gobolka Maka Almukarama C/llaahi Bin Bandar Bin C/casiis, Wasiiru dowle ka tirsan Golaha Wasiirada Sacuudiga Dr. Musaacid Alceybaan, Guddoomiyaha Gobola Jiddah Dr. Haani Bin Maxamed Aburaas iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin C/qan Khayaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadii saddexaad uga bilaabatay Boqortooyada Sacuudiga, isagoo la kulmi doona madaxda dalkaasi.

Laakiin Booqashooyinkii kuwaan ka horeeyay waxaa soo dhaweyn jirtay madax heer sare ah, waxaana talabaada loogu diray ku xigeenka Amiirka Jiddah ay muujineysaa sida aysan Sacuudiga ula dhacsaneyn madaxweynaha.

SAWIRADA HOOS KA DAAWO