Turkiga Oo Muqdisho Ka Furay Dugsi Lagu Barto Duulista Diyaaradaha+Sawirro.

Turkiga Oo Muqdisho Ka Furay Dugsi Lagu Barto Duulista Diyaaradaha+Sawirro

Munaasabad lagu soo bandhigayay furitaanka dugsi lagu barto duulista diyaaraddaha ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo dugsigaan au hirgelisay dowladda Turkiga, waxaana mashruucaan fulinayay hay’adda horumarinta Turkiga ee Tika.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka duulista hawada, Maxamed C/llaahi Oomaar, Maareeyaha duulista hawada iyo safiirka dowladda Turkiga oo uu wehliyo madaxa hay’adda TIKA.

Dugsigaan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona arday fara badan oo mustaqbalka noqon doona kuwa Soomaalia kaga maaranto duuliyeyeaasha ay soo kireystaan shirkaddaha duulimaadyada.