DAAWO DEG DEG: Dowlada Soomaaliya iyo Sacuudiga ka heshiiyay Arinta Qatar & MD Farmaajo oo Go’aan geesinimo leh qaatay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Sacduuga ku wargelisay ineysan waxba iska badalin siyaasadoodii ay dhex dhexaadka uga noqdeen xiisada udhaxeysa dalalka Carabta iyo Qatar.

Wasiirka Arimaha dibadda dowlada Soomaaliya Yuusuf Garaad oo ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka dalkaas ay arintaas ka wada hadleen, laakiin mowqfika dowlada uu yahay mid cad oo aan isbadaleyn.

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf Garaad ayaa si dheer uga hadlay heshiisyo la sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Sacuudiga ay wada galen.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada udhaxeeya gaar ahaan deegaanka uu kasoo jeedo ee Galmudug oo xiisad siyaasadeed ay ka jirto.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey usheegtay iney dhex dhexaad ka tahay arinta Khilaafka Carabta, laakiin waxaa boqashadiisa Sacuudiga la filayay inuu isbadali doono, madaxweynaha ayaana ku adkeystay go’aankiisii hore.