DAAWO: Seddex Arrin Oo Ku Hoos Jirta Saldhigga Ciidan Ee Turkiga Ka Furtay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa maanta Muqdisho waxay si rasmi ah uga furatay magaalada Muqdisho Saldhig Milatari oo aad muhiim ah, waxaase ku hoos duugan Seddex arrin.

Saldhiggan waxaa loo casriyeeyay qaab casri ah, waxaana ku sugan ciidamo Turki ah, iyadoo sidoo  kale halkaasi lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Turkiga Saldhiggan kaliya kama doonayo inuu ku tababaro ciidan Soomaaliyeed ee sidoo kale lacag badan ayuu ka sameyn doonaa.

Waa saldhigga ugu weyn ee Afrika, wuxuuna doonayaa arrimahan hoos ku xusan.

  • Inuu tababar ku siido ciidanka dalal dhowr ah oo uyu qarash kaga qaadan doono.
  • Inuu ku ilaalsado danihiisa geeska Afrika, kuna caawiyo dowladda Soomaaliya
  • In Muqdisho usoo wareejiyo ajaaniibtii uu ku tababari jirey dalal badan oo Afrika iyoeeshiya ah, meeshaasina uu ku helo qarash badan maadaama uu ku tababari doono dal aan dalkiisa ahayn.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka