Madax-dhameedka Beelaha Garxajis Ee Ololaha Ugu Jira Xisbiga WADDANI Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xariirad.

Wafti culus oo madax-dhaqameed ah isla markaana ka socday beesha Garxajis ayaa si wayn maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel.

Waxaana madax-dhaqameedkan si wayn usoo dhaweeyey odayaasha,waxgaradka cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Xariirad.

Ujeedada madax-dhaqameedkan ka socda Beesha Garxajis ayaa daaran sidii ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka xariirad ugala xaajoon lahaayeen ka wada hadalka xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Beelahan.

Waxaana sooryo iyo soo dhawayn balaadhan kadib ay madax-dhaqameedka beesha Ciise iyo madax-dhaqameedkan ka socday beesha Garxajis ay jilbaha isku dareen kulan saacado badan qaatay,kaas oo ka dhacday geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,waxaana ay labadan madax-dhaqameed ka wada hadleen xidhiidhka tolnimo iyo madax-dhaqameed ee ka dhaxeeya Beesha Ciise iyo beesha Garxajis.

Gabagabadiina kulankan ay jilbaha isku aasteen labadan madax-dhaqameed ayaa waxa labada dhinac isla qaateen sii xoojinta xidhiidhka gacaltooyo iyo madax-dhaqameednimo ee ka dhaxeeya beelahan.

22156685_10214228840103728_1825802381_n22184915_10214228960546739_1161958109_n22192740_10214228928185930_410854280_n22192968_10214228975427111_869078375_n22193120_10214228961026751_1081352929_n22199075_10214228838823696_850431995_o22207181_10214228978067177_1734320314_n22207382_10214228974667092_287478241_n22214960_10214228924425836_2025026271_n