Sacuudiga oo ka Af godey  saldhiga Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

  

 Boqortooyadda  Sacuudiga ayaa walaac ba’an ka qabta dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga uu Turkiga ka dhisay duleedka magaalada Muqdisho.

Dalka Sacuudiga ayaa rumeysan in Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho uu halis ku yahay degnaanshiyaha ka jira dalka Sacuudiga.

Cabsida muuqata ee Sacuudiga ayaa ah mid la xidhiidhdha suuragalnimada in dowlada Turkigu ay hubka culus ku rakibto Saldhiga, iyadoo laga gumaadaayo dalalka kasoo horjeeda maslaxada Turkiga.

Qoraal uu barta Twitter-ka kusoo qoray taxliiliyaha arrimaha Siyaasada dowladaha Islaamka Ibraahim Al-marci oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Sacuudiga, ayaa waxaa lagu qeexay qorshaha furitaanka Saldhiga Turkiga ee Soomaalia.

Wargeyska maalinlaha Al-riyadh oo xiganaaya qoraalka Al-marci ayaa sheegay in halista Saldhiga ay saameyn ku yeelan doonto xitaa dowladaha Masar, Sudan iyo Yemen.

Waxaa lagu sheegay in ujeedka fog ee Saldhigaasi uu yahay hoos u dhigista awoodaha dalalka carabta, maadaama loo arko inay u janjeedhaan danaha dowladaha saaxiibada la’ah ee reer Galbeedka, halka Turkiguna uu lid ku yahay danaha reer Galbeedka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in dowlada Turkiga ay adeegsatay awood Jilicsan iyo dhaxalka Taariikheed ee Muqdisho oo loo sii maray nidaam cajiib ah, sida loo dhigay qoraalka.

Dowlada Turkiga ayaa lagu eedeeyay in dowlada Soomaalia lagu indha sarcaadiyay dhaqaale joogta ah oo dhan 5 million oo dollar-ka Mareykanka ah, taa oo bil waliba lasiiyo DFS.

Waxaa sidoo kale Turkiga lagu eedeeyay in dowlada Soomaalia ay ku maskax rogtay marti gelinta 15,000 oo arday Soomaali ah oo wax ka barta Jaamacadaha Turkiga iyo in Dugsiyadda Turkish-ka laga furo gudaha Soomaalia.

Cabsida lagu muujiyay qoraalka ayaa waxa ay tahay in Saldhiga Turkiga laga gumaado dowladaha awooda Militery ku dhex leh adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Soomaalia ayaan dareensaneyn dhaliilaha ka dhashay furitanka Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho.