DAAWO: Boqor Salmaan Oo Arrin Uusan Fileyn Kala Kulmay Diyaaraddii Uu Saarnaa

Bogor Salmaan Bin C/casiis oo xalay gaadhay magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa dhacdo lama filaan aheyd ku qabsatay garoonka diyaaraddaha xili uu ka degayay diyaaraddii uu saarnaa.

Diyaaradda qaaska ee Boqorka ayaa jaranjaradii uu kaga soo degayay oo aheyd mid electronic ah ay istaagtay markii uu soo fuulay, ee uu ay dhaqaaqday, waxaana qasab ku noqotay inuu socod ugu dego salaanka ama jaranjarada.

Boqorka oo 84 sano jir ah ayaa socodkiisa uu aad u liitaa, mar walbana waxaa diyaaradda uu ku safrayo qaas u ah inay wadato jaranjarada socota.

Arrintaan ayaa si weyn waxaa ugu hadlay warbaahinta caalamka, iyadoo maamulka garoonka Moscow ay iska fogeeyeen inay jaranjaradaasi aheyd mid garoonku lahaa balse ay aheyd mid saarneyd diyaaradda Boqorka.