Mareykanka oo 20 Sano kadib cunaqabateyntii ka qaaday Dalka Suudaan (Akhri Sababta)

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayntii dhanka dhaqaalaha ka  saarneyd wakhti dheer ka qaaday dowladda Soodaan.

Inkastoo dalkaan qaaradda Africa uu Maraykanka uu ku eedeeyay in uu taageero siiyo kooxaha argagaxisada ah, haddana 20 sano kadib cunaqabateyntii saarneyd waa laga qaaday.

Habeenimadii Jimcaha, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa Wariyayaasha ugu sheegay Magaaladda Washington in Mareykanku go’aansaday in uu si rasmi ah u bur buriiyo cunaqabatayntii dhaqaale ee ku wajahneyd Soodaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale soo saartay hadal horudhac ah maalintaasi, iyada oo ka hadashay dadaalka Soodaan ee ah in ay wax ka qabato arrimaha argagixisada iyo sidoo kale xad-gudubyada xuquuqda aadanaha oo sabab looga dhigayo go’aankaas.

Go’aanka lagu soo afjarayo tallaabooyinka ciqaabta ee lagu soo rogay Soodaan sanadkii 1997 ayaa timid kaddib markii maamulka Trump ay bishii hore ka saareen liiska wadamada ay muwaadiniintu ku xidhan yihiin xayiraadaha safarka.

Hase yeeshee, tallaabadaas ayaa ka dhigaysa cunaqabatayn kale, oo ay ku jiraan kuwa ka soo horjeeda dadka la xidh xidhay ee ku lug leh tacadiyada lagu gaystey colaadaha ka jirta Gobolka koonfurta Darfur ee dalka Soodaan.

Isagoo ka jawaabayo go’aanka Mareykanka Wasiirka Arrimaha dibadda Soodaan ayaa waxa uu yidhi“Xukuumadda Soodaan iyo dadka Reer Soodaanba waxa ay soo dhaweynayaan go’aankaan uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump cunaqabatayntii dhaqaalaha si buuxda uga qaaday Soodaan.”