Guddiga doorashada Maamulka Somaliland oo shaaciyay tirada codeyneysa.

Guddiga doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay tirada dadka xaqa u leh in ay ka qeyb galaan doorashada Somaliland ka dhaceysa Bisha soo socota.

Guddiga doorashada ayaa soo bandhigay tirada dadka Codeynayaiyo gobollada ay ka imanayaan iyada oo Gobolkasta degmooyinkiisa loo sameeyay dadkii iska diiwaan geliyay islamrkaana la sheegayo wadarta Gobol kasta ka codeyneysa.

Guddigu waxaa ay sheegeen in tirada rasmiga ah ee isu diiwaangelisay doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ay gaadheyso  704,089 Qof,kuwaas oo ka qeyb geli doona doorashada.

Doorashada Madaxtinimada Somaliland waxaa ay dhaceysaa 13ka Bisha November ee soo socota,waxaana ku tartamaya xubnaha kala ah C/Raxmaan Cirro,Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe oo kala matalaya Xisbiyada Waddani,Kulmiye iyo Ucid.

Guddiga doorashada ayaa Labo maalin ka hor waxa aay Hargeysa ka dajiyeen warqadaha codbixinta iyo agabka doorashada oo dhan kuwaas oo ay laba diyaaradood ka soo qaadeen Dalka Imaaraadka Carabta.