Wax garadka  Beesha Ciise iyo maamulka magaalada Dire -Dhebe oo ku hawlan sugida ammniga.

Gudida Guurtida Ee duqaytida  Beesha Ciise Ee degan magaalada Dire-Dhebe ayaa intan Danbe ku Hawlan nabad gelyo dara soo foodsaartay magaladda Dire- Dhebe. Gudidu waxay shirar Goos Goss ah ula galayne Xafadaha ay ka kooban tahay magaaladda Dire-Dhebe gaar ahaan meelaha ay rabshaddu ka jiraan is loo sugo amniga oo faraha ka baxaa. Duqaytidda Ruug caadaadiga ah oo ayagu u arka qulqulada ka jira xafaadda qaarkood inay tahay daan- daasi laguna dhawacaayo ama lagu wax yeelaynaayo xasiloonidda iyo wada noolaashaha soo jiraag ah ee magalad. Gudiddu waxay is cad farta ugu fiiqeen Quumiyadda OROMIYA ee degan magalada oo ku tilmaaman ta ayadu ku hawlan sidii qas iyo xaalad amni daro ah uga abuur lahaayeen magalada Dire Dhebe. Sidaan wada ogsoonahay magaaladda Dire Dhebe waa Caasimadda laabaad ee Dalka Itoopiya taariikh ahaan ay wadaagaan degaan ahaan labada Quumiyadood ee Somaaliyeed kala ahna Qaranka Beesha Ciise iyo Qumiyadda Beesha Gurgurey oo ayagu ahaa kuwa xoolohooggu duleedka magaalada Dire Dhebe looga soo caanaadiiqo. -Waxa kalay oo shalay ka dhacay duleedka magaalad bilaamay isku dhac ka yimi dhinaca Oromiya oo dhex maray Cidanka Poliska iyo koox qas wadayaal ah. QULQULADAHA KA SOCDA JIRA IYO WARAR UGU DANBEYEY : -Maanta oo Khamiis ah waxaa xaafadda Gandda Garaadda ka dhacay iska hor imaad dadka xaafadda degan. -Habeenkii aan soo dhaafnay kuwa rab shaduhu ay u tahay dawa koowaad ayaa waxay isku dayey inay ku horiyaa shariikaan sheedaal ah Wiil xooggiisa maal ah ku shaysta Bajaajka ama loo yaqqano Kuri-Kurida. Wiilkaa oo isagu ka soo jeedda Qumiyadda Somaliyeed gaar ahaan Beesha Ciise. Shirar u socda si isdaba joog ah : -Sakaa aroorti saacdu markay hayd sagaalka subaxnimo waxa bilaamay shir balaadha oo loogu yeedha Qumiyadda Somaliyeed ee magaladda Dire-Dhebe iyo Qumiyada Oromiya oo ka koobna indheer garadka, Culumaa u Diinka iyo dadka xaafadda dadka degan oo laga war gelinayey in loo baahan ayahy nabada oo la ilaasho. -Shirkaa waxaa qaban qaabiyey Taliyaha sare ee poliska magaladda Dire Dhebe iyo Ciidanka Militera ee fadhigiisu yahay agagarka magaaladda. Galbeedka. Dhinaca ee galbedeka waa dhulka lagu warey jiyey sida sharci daradda ee Qumiyadda canfarta la hoos geyey ayaa ayaa laga cabsi qabaa in si aar koosad ah loogu gumaado Qaranka Beesha Ciise oo ayadu ah mid si bartil maameed ah loogu laayo ayagu aha xoolo dhaqato daba socdda mawaashiga ay wataan Wixii warar ah ee ku saabsan arintaasna si toos ah oo talanlaali ah uga kala socda Xeernews24.com