Sawirro: Shimbir ku sigatay inay soo rido diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline.

  

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya waxaa si degdeg ah Garoonka Moi uga degtay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline xili ay soo foodsaartay cilad.

Diyaaradan ayaa ka duushay Garoon ku yaalla gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya, waxa ayna kusii jeeday Magaalada Istabul, balse cilad ay wajahday kadib ayey caga dhigatay Garoonka Moi.

Diyaarada ayaa waxaa la socday rakaab tirro ahaan lagu sheegay 121 oo isugu jiray Turki iyo dad kale oo heystay dhalashooyin  kala duwan.

Cilada diyaarada soo food saartay ayaa la sheegay inay sababsatay Shimbir taas oo gashay mid ka mid ah Mashiinada diyaarada.

Shimbirta ayaa qalqal galisay duuliyaha iyo diyaaradii uu waday oo halis u galay inay soo dhacdo xili ay kasii baxeysay hawada Kenya.

Sidoo kale, Saraakiisha Garoonka Moi ayaa xaqiijiyay in diyaaradaasi muddo ku dhow Saacad ay ku dul wareegeysay Hawadda Magaalada Mombasa si loo dhameeyo Shidaalka ku jira diyaaradda.

Duuliyaha diyaarada ayaa si nabadgalyo leh u badbaadiyay dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada.