XOG CUSUB: Halkee ka yimid Gaadhigii weynaa ee lagu fuliyey Qaraxii Zoobe? Xageesa lala damacsanaa ?

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa Shalay Gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay khasaaro aad u baaxad weyn.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa sii kordhaaya waxa ayna Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho baahisay in khasaaraha dhimasho uu ku dhow yahay 50, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 100 qof, iyadoo la sheegay in dad kale weli ay ku hoos jiraa dhismeyaal ku soo dumay Qaraxa.

Gaadhiga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaadhi Xamuul ah, waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.

Gaadhiga ayaa ka yimid Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna kasoo galay Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wadaha baabuurka ayaa la sheegay inuu awood kusoo jiidhay ciidamada dowlada ee ku sugan Siinka dheer, xili lagu hayay baadhitaan.

Ciidamada ayaa wadaha baabuurka ku xujeeyay damiin balse waxa uu sheegtay nin Ganacsade ahaa oo aan la carabaabin magaciisa, waxaana xigay inuu awood kusoo jiidhay ciidamada.

Ciidamada ku sugnaa Siinka dheer oo aan xiligaa heysan baabuur ay kusoo eryaan ayaan u suuragalin inay qabtaan, waxaana xigay Qaraxa, kadib markii uu soo galay magaalada Muqdisho.

Gaadhiga ayaa waxaa saarnaa alaabo u badnaa bagaash waxa uuna qasdigiisu ahaa Hoteel Safaari oo xiligaa uu ka socday Shir khaas u ahaa mid kamid ah beelaha dega magaalada Muqdisho.

Ciidamo farabadan ayaa la dhigay dhammaan wadooyinkii uu soo maray gaadhiga, iyadoo ciidamada lagu amray feejignaan dhanka amniga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa laga soo bilaabo bishii September marti galineysay dilal iyo Qaraxyo lixaad leh, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa mushaar la’aan ku dhacday ciidamada dowlada muddo Seddex bil ah.

Si kastaba ha ahaatee, Meydad iyo dhaawacyo aan la aqoon ayaa buux dhaafiyay Isbitaalada Muqdisho, kuwaa oo ku waxyeeloobay Qaraxii ismiidaaminta ahaa.