Dawladda Fransiiska oo Caawa damineysa tariigyaddi taalada tour EIFELL si loogu baroordiiqo Dadkii lagu xasuuqay Muqdisho.

Wararka goordhow naga soo gaadhaya magaalada Paris ee caasimada dalka Fransiiska ayaa sheegaya  in la daminayo tariigyaddi  taalada caanka ah ee loo yaqaan Tour Eiffel iyadoo lala murugoonayo Dadkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

War Kooban oo lasoo dhigay Page-ka taaladaas ayaa lagu sheegay in caawa ay mugdi tahay taalada, ayna ka xun yihiin weerarkiii Zoobe ee lagu laayay dad gaadhaya ilaa 300 oo shacab ah.

“Caawa, Saqda dhexe, waxaan damin doonaa tariigyada si aan ula murugoono dhibanyaasha weerarkii Muqdisho”ayaa lasoo dhigay bogga Twitterka ee daaraha  magaalada Paris.