DAAWO: Dowlada Jabuuti Oo Ka Farxisay Shacabka Muqdisho iyo Talaabadii Ay Qaaday.

Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha kaso gaadhay shacabka Soomaaliyeed ayaa shegay in dowlada Jabuti ay garab taagan tahay bulshada iyo dowlada Soomaaliyeed.

‘’ Hadii dadka qaar kod gudaha soomaaliya wax looga qaban waayo waxa u qaadi doona Dalka Jabuuti sidaad la socotaan hada dhaqaatiir ayaa la Keenay magaalada muqdisho waliba waa dhaqaatiirtii Jabuuti ugu aqoonta badaan xaga qaliinka xaga daaweynta dhaawacyada halista ah’ ayuu yidhi Safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya.

Dowladaha Jabuuti iyo Turkiga ayaa noqday dowladihii ugu horeyay ee gargaar u fudiyay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay magaalada muqdisho iyado ay diyaarado u soo kala diren muqdisho si dadkaasi u caawiyaan.

Halkan Hoose Ka Daawo: