Shaqsigii ka dambeeyay Weerarkii Zoobe oo la ogaaday & Halka uu bartilmaameedkiisu ahaa.

Is-miidaamiyihii geystay qarixii weynaa ee Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ahaa askari hore uga tirsanaa ciidamada Dowladda Fedreaalka.

Sida ay qortay “The Guardian”  ee kasoo baxday magaalada London  askarigan  ayaa ka goostay 5 sano ka hor ciidamada dowladda kuma biiray Alshabaab, wuxuuna falkan u geystay aargoosi weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeen deegaanka Bariire.

Jariirada ayaa sheegtay inay soo xigtay saraakiil ka tirsan NISA oo baaritaanka kiiskan wada, waxayna ku doodeysaa in weerarku ku socday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ninka is-miidaamiyaha ahaa ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo jeedo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayna kicisay dilkii ciidmada Soomaaliya ka geysten degaankaasi oo saldhig u ahaa Alshabaab.

Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday Degaanka Bariire oo dib u qabsatay iyadoo halkaasi ku dishay tobanaan ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan, xilligaas oo Afhayeenka Alshabaab uu sheegay inay ugu aargudeen dadkii lagu laayay Bariire, waxayna arrintan shaki gelineysaa in weerarkii Soope uu ahaa aargudasho labaad.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa waxaa ay u sheegeen wargeyska in labada baabuur ee qaraxa ka dambeysay loo maleynayo  in ay ka soo tageen deegaanka Bariire, isla markaana milkiilaha baabuurka weyn uu ka soo jeedo deegaankaas haatan la xirey oo su’aalo la weydiinayo.

Dowladda Soomaaliya ayan weli wax war ah kasoo saarin baaritaanka Kiiskan oo ah kii ugu weynaa ee gudaha Soomaaliya dad badan lagu dilo, taasoo keentay in wararka ku saabsan baaritaanka xogaha la dusinayo lagu jaha wareero.