Warqad codsi ah oo Madaxweyne Farmaajo u diray Guddoonka Labada Aqal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqado u diray Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo uu kaga codsanayo qabashada kulan deg deg ah oo wadajir la isugu yeedho Xildhibaanada Labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeedho xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada dalka ugu jeediyo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada dalka, isagoo ku iclaamin doono xaalad dagaal oo  looga saarayo Al-Shabaab.

war baahinta ayaa heshay nuqul ka mid ah warqad ku taariikheysan 19 October oo maanta ku beegan oo uu Madaxweynuhu u diray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

                                    Halkan hoose ka akhriso:-