DIIRADDA XEERNEWS24.COM

Xurgufta Nimca jaamac iyo dawladda jabuuti U dhaxaysa Dhaawac intee le,eeg ayay soo gaadhsiisay kaydkii iyo Heesi radio jabuuti?

In ka badan dhowr iyo toban sanno(15) waxaa jira khilaaf xoogan oo wajiyada badan leh oo fanaanadda qaranka reer Jabuuti ee Nimca jaamac Migil iyo dawladda jabuuti u dhaxeeyey Nimca maaha siyaasiyad,aqoon yahanad, ma jiro xisbi siyaasadeed oo ay si toos ah uga mid tahay,maaha mutacalimad cilmikeega iyo xeeladeeda aqooneedkeega laga cabsan karo, maaha qof maal qabeen ah oo maalkeega iyo hantideeda ku maal galin karta xisbiyadda mucaaradka ah,maaha qof hal abuur suugaaneed alifta oo buraanbur ama gabay curin karta oo ay dawlada jabuuti sidda uga baqday ee waa fanaanad Ilaahay hibo u siiyey in ay wixii abwaan u dhiibo codkeega halaasiga ugu luqayso qaab dadka badan soo wada jiida kara waana qof dumar ama gabadh ah oo sidda uu dhigii dhaqanka iyo xeerku ka mudan dawlada jabuuti xishmayn iyo daryeel wadani nimo xita haday wakhtiyada qaarkood dawladda hadalo iyo warmo siyaasadeed ku ganto.
Nimco waxay fanka dalka jabuuti ku soo dhex jirtay wax ka badan 60 sanno iyada horteed iyo dabadeed ma jiri karto wax kayd ah oo micno buuran leh oo radio jabuuti laga heli ama laga dheysan karo.
Siyaasad iyo tala xumada dawlada darteed waxaa Radiyaaha jabuuti laga mabnuucday mudo aad u dheer hees iyo ruwaayad kasta oo ay Nimco meel ka soo gasho wanaan sababta keentay in radio Jabuuti qaybta afka Soomaaliga ay noqoto meel laga guuray oo ay cidba xiisa u qabayn banaamijyadda ka baxa.
Arrinta Nimco iyo dawladda Jabuuti kuma eega oo qudha Nimca ee waxay galaafatay si toos ah ama si dadban dhaamaan fankii iyo fanaanatii jabuuti kuwa noo iyo kuwii dhintay intabaa maxaayeelay fanaan iyo abwaan kasta oo reer jabuuti ah oo ay fankii iyo suugaantiisa Nimco ka maqan tahay la soo heli maayo.
Haddi Nimco lagu haysto in ay mucaarad noqota sidaana fankeega lagu xayiray dawlada jabuuti marna kama fikirin in ay arrintaas keenayso ku xadgudub ay dawladda jabuuti ku xadgubtay dhamaan abwaanadi iyo fanaananinti dalka jabuuti xaqii iyo xaquuqdi ay ku lahaayeen dalkooga,waliba dhamaan abwaanada iyo fanaaninta lagu xadgudbay waxay wada ahaayeen ama yihiinba muxaafidin daacad u ah dawlada jabuuti iyo xisbiga talada dalka hayaa ee RPP(PRO RPP et PRO gouvernement)
Fanaaninta iyo abwaanada la dulmay fankoogi Nimco darteed waxaa ka mid ah;
1.Saciid Xamarqoodh,(AUN)
2.Aadan Faarax,
3.Ibrahiim Gadhle,(AUN)
4.Xassan Cilmi,(AUN)
5.Cabdirahman Xersi(Cabdirahman Sakhraan) ? (Ma ogin geeri iyo Nolool)
6.Cabdi Nuur Alaale,
7.Mohamed Aadan Dugsiiye,
iyo kuwa kalo badan.
Fanaanitan iyo abwaanada aan soo sheegnay waa ragi heesaha Nimca jaamac ay ku heesto u samayey sidaan soo tilmaanayna waa taageeryaashi dawlada jabuuti ee la wada garan.
Geesta kale dawladda Jabuuti waxay meel kaaga dhacday barnaamijkii ay isla dawladu xayeeysiis jirtay ee xaqa iyo xaquuqda Qoraaga (droite d,auteur) maxaayeelay wax ka badan 60 sanno fikirkii iyo masgaxddi fanaanaddi reer jabuuti ayay dawlada jabuuti qof dumar ah darteed ka digtay hal bacad lagu lisay iyo khasaare suugaaneed aan laga fiirsan oon loo bahnayn.
Gaba-gabo iyo Gunaanad
Wixii laga xishoon jiray nacas ku xaragoodo na xumeeya mooyee xilkas waan ka wayneee.
(codkii Nimo Jaamac Migil iyo masgaxdi Aadan Faarax Samatar)