Daawo Cali khaliif oo yidhi””War Walaahay Isaaqow Hadaydaan Buuhoodle iyo Maamulka La iga Dul Sameeyay Wax Igala Qaban Idin Aamini Mayno”
Cali khaliif Galaydh ayaa Qudbad Uu ka jeediyay Magaalada Caynaba Waxaa Uu Si Cad Jabhada SNM Uga Codsaday In Ay Duulan Buuhoodle Ka dhan ah Ku Gacan Siiyan Islamarkaana Wax Lagala Qabto Ciidanka Buuhoodle iyo madaxweynaha khaatumo Cagalule.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuuna ku Bilaabay Cali khaliif Hadalkiisa”“Waxaa yaab leh Oo Marnaba Aanan Fahmayn War Puntland ayaa Nagu Ah Duulimaad oo Siyaasad ahaan dhaqaale Ahaan Ciidan ahaan Duulan Nagu ah War Adeerayaalow Nala Garto Gacan nasiiya War maamulka Buuhoodle Maamul naga Dul Dhisaaya Oo ciidan Dhawr Boqol Ahina U joogan Kuwa kalana la Qoraayo War Hooy Walaahay In aanan Aaminayn somaliland iyo Isaaq Toona hadaydan wax nagala qaban taas.
Isku Soowada Xooriyo hadalka Oday cali khaliif ayaa ah Mid cad oo Ka dhan ah Magaalada Buuhoodle Sidii Gacanta SNM Loo Galin lahaa balse waxaa yab leh Tolow Reer Buuhoodle Ma Aqbali Doonan in cali Dib ugu Soo fuulo cabdi Guray Hotel Buuhoodle.