Kudhowaad 60 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Masar Oo lagu laayey.

 

Ciidamada Booliiska Xukuumadda Afgembiga Masaarida ayaa la kulmay weerar culus oo lagu gaadhsiiyay khasaare culus, kadib markii ay isku dayeen iney xoog ku galaan goob la sheegay iney ku sugnaayeen rag hubeysan.

Iska hor imaadkan oo dhacay maalintii shalay oo Jimco ahayd saxaraha Al-Waaxaat oo 135KM kaga beegan koonfur galbeed magaalada caasimadda ah ee Al-Qaahira.

Inta haatan la hubo waxaa dagaalkaas lagu dilay 53 Askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan Booliiska iyo Ciidamada Amaanka Xukuumadda Afgembiga Siisi.

Warbaahinta dowladda Siisi ayaa ka been sheegay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxayna sheegeen in dhimashadu ay mareyso 18 Ruux oo keliya, iyagoona intaa ku daray in dagaalyahannada halkaas joogay uu so gaadhay khasaare adag.

Saraakiisha Amaanka Xukuumadda Siisi waxay sheegeen in kahor inta uusan weerarku dhicin ay heleen macluumaad la xidhiidha goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Sawaacidu Masar ee loo yaqaano Xasam, markii ciidamadu halka loogu sheegay dagaalyahannada ay aadeena waxay la kulmeen weeraro  dhabagal ah oo aad u cuslaa.

Dagaalyahannada ayaa adeegsanayay hubka culus, sida kuwa garbaha laga rido, waxaana wadooyinka oo dhan ku aaseen miinooyin farabadan oo mar qudha  ku  wada qarxay.

18 kamid ah ciidamada ku dhintay dagaalkan waxay ahaayeen Saraakiil sar sare oo Nidaamka Sisii uu si aad ah ugu tashan jiray, waana dharbaaxo kulul oo si lama filaan ah ugu dhacday Nidaamka Siisi iyo Laamihiisa Amaanka.