17-arday & Macalinkooda & Wariye Caan ah oo ku geeriyooday Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qarax ku bilaawday oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al­Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada markii qaraxa lala eegtay ay rasaas ku fureen xaafadaha, kaddibna ay ka degeen gaadiidkooda.

Weerarka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wadeen howgallo balse ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Al­Shabaab, kaas oo geestay khasaaro kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay si ula kac ah u toogteen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole.

Dadka deeaganka qarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay dileen 17 Arday iyo Macalinkooda xili Ardaydaas laga soo daayay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla deegaanka Lafoole.

Waxaa istaagay isu socodkii gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada AMISOM uu soo gaaray khasaare kala duwan.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Wariye ka tirsanaa Idaacadda Radio Dayax oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu Magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inay AMISOM dileen dad kale oo rayid ahaa oo ku sugnaa Xaafadda Lafoole.

Xaalada Goobtii weerarka iyo dagaalka ka dhacay ayaa degan waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hadda Gacanta ku haya.