Shir Cali Khaliif Galaydh Qabtay oo Dagaal iyo Buuq isku badalay (Daawo Muuqaal)

Shir la doonayey in lagu taageero Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland dhexmaray oo lagu qabtay magaalada Buuhoodle ayaa Buuq iyo Gacan ka hadal isku badalay kadib markii Xubno ku sugnaa soo jeediyeen in Xilka laga qaado Garaad C.risaaq garaad Soofe, Iyadoona la isku Adeegsaday Kuraas, Feedh iyo Caagadaha Biyaha.

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa oo kasoo Qayb galay Dr. Cali khaliif Galaydh iyo Xubno kale oo ka tirsan Khaatumo kuwaasi oo doonayey inay Taageero u helaan Hesiiskii ay la gaadheen Somaliland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Buuqa iyo Dagaalka kadib Waxaa halkaasi ka hadlay Cali Khaliif oo sheegay  inay Xaaladu hada dhaaftay Siyaasad oo gacan ka hadal ay Marayso oo laga yaabo in uu Cali Khaliif lugha la galay mawjado kacdoon iyo coolaad horle keeni karta.