Dawladda Itoobiya oo ku biirtay dalalka Madaxweyne Farmaajo ku cadaadinaya in ilbaabada loo laabo Saldhiga Turkey ee Muqdisho.

Dowlada Ethiopia oo kamid ah dowladaha deriska la ah dalka Soomaalia ayaa durba dareen gaara ka muujisay dhismaha Saldhiga Militery ee uu Turkigu ku leeyahay Soomaalia.

Ethiopia ayaa la sheegay inay aaminsan tahay in Saldhigaasi uu caqabad gaara ku yahay danaha Ethiopia ee Soomaalia iyo xasiloonida ka jirta dalka Ethiopia.

Warbixino kooban oo ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in dhismaha Saldhiga Turkiga ee Soomaalia uu albaabada u xidhay rajadii ay dowlada Ethiopia ka la heyd Gobolka Geeska Afrika.

Waxa ay qoreen in dowlada Turkiga ay kamid tahay dowladaha ugu quwada badan caalamka, balse ay awoodeeda ku baahineyso Geeska Africa si ay mustaqbalka dhow u gumaadan dowladaha Africa.

Shabakadda wararka ee Turkpress oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qortay in dowlada Turkiga ay mucaarad badan ku kasbaneyso dhismaha iyo howlgalinta Saldhiga Militery sababo la xidhiidha istiraatiijiyada Saldhiga.

Warbixinta shabakadda waxaa lagu xusay in Turkiga uu kaalinta lixaad kaga jiro dalalka Saldhigyada Militery ku leh Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo ay Maraykanka, Faransiiska, Britain, Japan iyo Shiinaha ku yeesheen Saldhigyo Milliteri.

Waxaa lagu muujiyay in dowlada Turkiga ay dhismaha Saldhiga kala kulmi karto caqabado lama gudbaan ah, oo kaga imaankara dhinacyada halista u arka shaqeynta Saldhigaasi oo ay ugu horeeyan dowladaha deriska la ah Soomalaia oo ay ugu horeyso Ethiopia, Imaaraadka, Masar iyo Sacuudiga oo qaarkood loo diiday inay Saldhig ka dhistaan Soomaalia.

Sidoo kale, waxaa halisaha muuqda kamid ah in dowladaha aan kor ku xusnay ay haliso argagixiso u maleegaan Saldhiga Turkiga ee Soomaalia, iyadoo loo adeegsanaayo Kooxda argagixisada ee sida dhuumaaleysiga uga howlgala Soomaalia.

Dhinaca kale, dowlada Turkiga ayaa ka feejigan dhibaato kaga imaada dalalka kasoo horjeeda Saldhigooda Soomaalia, waxaana xusid mudan in la adkeeyay amniga Saldhiga.