Wararkii ugu dambeeyay Doorashada ku Celiska ah ee Kenya iyo Rabshado la curtay(Sawiro)

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Goobaha qaar ay ka socoto Codbixinta Doorashada ku celiska ah ee loogu Tartamayo Xilka Madaxweynaha Kenya,waxaana Goobaha Qaar lagu arkayaa dad Safaf ku jira oo Codadkooda dhiibanaya halka goobaha qaarna la soo sheegey in ay rabshado ka curteen.

Madaxweynaha Kenya  Uhurru Kenyatta ayaa Codkiisa ka dhiibtay deegaanka uu ka soo jeedo ee Kiambu,waxaana sidoo kale jirta Rabshado ay sameeyeen Taageereyaasha Hogaamiyaha Mucaaradka  Kenya Raila Odinga,waxaana jira in Dab la qabadsiiyay Goobo loogu talo galay in lagu Codeeyo.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa lagu daadiyay dalka oo dhan,kuwaas oo sugaya Ammaanka Dadka Codadka dhiibanaya,waxaana lagu amray in ay Tilaabo ka qaadaan Cidwalba oo Carqaladeysa Doorashada.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga  ayaa iskaga hadhay Doorashada,waxaana uu sheegay in aysan jirin Doorasho Xaq iyo Xalaal ah in ay ka dhaceyso kenya oo uu jiro Musuq Maasuq Xoog leh.