DAAWO: RW Kheyre oo la kulmay Madaxweyne Erdogan & Booqashadii uu ugu tagay dhaawacyadii Zoobe

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya dalka Turkiga ayaa caawa la kulmay madaxweynaha dalkaasi Rajeb Dayip Erdogan.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyad Turkiga, iyagoo labada masuul ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo taageerada Turkiga uu siinayo dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha ayaa booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho oo lagu daweynayo Isbitaallo ku yaalla dalka Turkiga.