War Deg Deg Ah Daawo Video:Rabshado iyo Mudaharaadyo Ka Socda Kenya Hada,

Wararka hadda naga soo gaadhaya dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in magaalooyin kamid ah dalka Kenya ay ka bilowdeen rabashado aad u xooggan, waxaana taasi ay timid kadib markii ay soo baxeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee NASA.

HALKAN KADAAWO VIDEO

Doorashadan oo aad indhaha loogu hayo ayaa wararku waxay sheegayaan in dadka banaanbaxaya ay diidan yihiin sidey wax ku socdaan maadaama hoggaamiye Ra’ila Odinga uu diidey in doorashada uu ka qeybgalo.Cabsi ayaa jirta, waxaana laga baqayaa in dibadbaxyadan ay ku faafaan magaalooyin kale oo dalkaasi ah.