MUUQAAL  Goobjooge Sharaxay Wixii dhacay Iyo Bur-burka Hoteelka.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho, Waxaana sidoo kale uu Qaraxu Saameeyay Goobo Gacansi oo ku dhowaa iyo Hotelka Central.

Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin uu kamid yahay Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.

Goob jooge ku sugan goobta ayaa sheegay inay dad badan ku Nafwaayeen Qaraxa, Wuxuuna sheegay inay dhimashado gaadhayso ilaa 27-Ruux, Isagoo ka waramay sida wax u dhaceen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA