DAAWO: sheekh Cali Wajiis oo si qiiro leh uga sheekeeyay sidii uu uga bad-baaday Shabaab & Xasuuqii ay geysteen.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ahaa culimadii laga soo badbaadiyay weerarkii ay maleeshiyada Alshabaab ku qaaden Hoteel Naasa-Hablood ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkaay cadaawad fog oo ay Shabaab u qabaan dadka shacabka ah.

Waxa uu Sheekh Cali Wajiis sheegay in si ku tallo gal ah ay u beegsanayeen dadka abriyada ah ee xiligaa ku jiray Hoteelka, waxa uuna meesha ka saaray in Alshabaab ay u diir naxayaan shacabka.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Hooyo iyo carruurteeda oo weerarka ka hor usoo martiyey Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka K/galbed Madoobe Nuunow Maxamed.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Waxa uu yidhi”waxa ay dileen hooyo iyo carruur ay wadatay, hooyadu waxa ay ku dileen qol aan waxyar ka hor ka baxay oo ay soo gashay”

Waxa uu aad u amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay darbiyada uga boodeen Hoteelka, isla markaana naftooda u hureen dadkii ku jiray gudaha, waxa uuna xusay inay dhabarka ka tuuganayeen kuwa al-Shabaab.

”Waxaan saacado xalay la noolaa al-Shabaab waxaan arkay ayaa igu filan alshabaab diyaar uma aha inay u naxariistaan shacabka”

Sidoo kale, Dowlad goboleedyada wadahadalka kula jira dowlada Dhexe ayuu ugu baaqay inay qiimeeyaan dhiiga Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka K/galbed Madoobe Nuunow Maxamed, waxa uuna carab dhabay inuu noqon doono tusaale.