Kooxdii Weerarka Ku Qaaday Guriga Guddoomiye Cirro Oo la Aqoonsaday Magacyada Iyo Haybtooda.
Haddaba, Wararka dhacdadaas ku saabsan ee shabakadduhu baahiyeen, isaggoo Faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan: Dableydii weerarka ku qaaday guriga uu magaalada Hargeysa ka degan-yahay Gudddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa si rasmi ah loo aqoonsadey haybta-ardaayada ay kasoo jeedaan iyo magacyadooda, waxa kaloo iyana la ogaaday maskaxadii ka danbaysay hawgalka guriga Guddoomiye Cirro lagu fuliyey.
Dableydaas abaabulan ee weerarka qorshaysan ku qaaday guriga Musharax WADDANI Cabdiraxmaan Cirro habeeninadii Jimcihii Todobaadkan, ayaa tiraadooda lagu sheegay dhawr iyo toban qof, kuwasoo Sideed kamid ah si rasmi ah loo aqoonsaday haybtooda iyo magacyadooda, waana kuwan xubnaha la aqoonsadday:
1) Subeer Cabdilaahi Sacad Muuse reer Samatar
2) Maxamed Dharro Sacad Muuse Bah-gobo
3) Hodan Cabdilaahi Aw-geesh Sacad Muuse Cabdale Sacad”
4) Iid Shaqale Sacad Muuse Reer Cabane
5) Barkhad Batuun Sacad-Muuse Bah-gobo
6) Cabdi-majiid Sacad-Muuse Reer Samatar
7) Axmed nuur Sacad-Muuse Reer Samater
8) Xasan Sacad Muuse Reer Cabane.
Waxa kaloo, la sheegay iyanna in la aqoonsadey shaqsiyaad kale oo lala xidhiidhiyey inay bixiyey dhaqaalihii surta-geliyay hawlgal-kaas, kuwaas oo sida ku cad raadadka iyo xogaha ilaa iyo hadda la hayo ay iftiimiyeen inuu dhaqaalaha bixiyey Ganacsadaha reer Jabuuti ee lagu magacaabo Maxamed Aw-Siciid Geedi, waxaana xogaha qaarkood lagu sheegay inuu ganacsadaha reer Jabuuti, dhaqalaha uu bixiyey sii mariyey haweenayda keliya ee Dumar ahaan ku jirtay hawgalkaasi, laguna magacaabo Hodan Cabdilaahi Aw-geesh.
Dhacdada foosha xun ee lagu bartil-maameedsaday guriga uu degan-yahay Musharax Cirro iyo sidoo kale weeraro iyanna lala beegsaday taageerayaasha iyo gaadiidka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa la tuhunsan yahay arrimahaas oo dhan inay hordhac u yihiin qorshayaal ay soo dejiyeen, madaxda iyo Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE, kuwasoo sida dadka qaarkood qabaan ay uga gol leeyihiin inay ku baqdin geliyaan, madaxda, Siyaasiyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, oo iyagga laf ahaantooda marka hadalladooda la eego u muuqda kuwo ka war-qaba ama darreensan dhaq-dhaqaqyada dhigooda Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.