Dawladda Ciraaq oo maamulaysa xudduudaha laga galo Kurdistan.

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan la wareegidda maamulka xudduudaha laga galo gobolka Kurdistan ee dhanka Turkiga iyo Suuriya.

War qoraal ah ayaa lagu sheegay in wafdi ka socday dowladda Ciraaq ay booqdeen xudduudaha.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga wuxuu sheegay in ciidamo la geeyay deegaanka loo yaqaano Ibrahim al-Khaliil, balse maamulka Kurdiyiintan ayaa beeniyay hadalkaas.

Dowladda Baqdaad waxay sheegtay in ay dooneyso in ay maamusho xudduudaha gobolka ka dib aftidii la isku khilaafay ee madaxbannaanida.

Baqdaad waxay sheegtay in codeyntii bishii la soo dhaafay ay ahayd mid aan dastuuri ahayn. Dadka ku nool gobolka Kurdiyiinta ayaa si aqlabiyad ah u taageeray aftida.

Codeynta waxaa sidoo kale ka soo horjeestay Iraan iyo Turkiga oo dalalkooda ay ku yaallaan gobollo ay Kurdiyiinta deggan yihiin.

Sidoo kale, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka oo xulafo la ah Kurdiyiinta ayaa dhankooda diiday aftida madaxbannaanida.

Wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga Anadolu ayaa baahisay in xoogagga Ciraaq iyo Turkiga ay dhoolatus wadajir ah sameynayeen tan iyo bishii September, haddana ay u dhaqaaqeen xudduuda deegaanka Ibrahim al-Khaliil oo ku dhow Turkiga.

Saacado ka dib, Ri’iisul wasaaraha Turkiga ayaa xubnaha xisbiga AK ee maamula dalka u sheegay in „gacan ku haynta xudduuda lagu wareejiyay dowladda dhexe ee Ciraaq“.

Taliyaha ciidamada xuduudda Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters tusay sawirro muujinaya calanka dowladdiisa oo ka taagan xadka.

Wuxuu sheegay „in dowladda ciraaq si buuxda ay gacanta ugu hayso maamulka xudduuda.“

Sikastaba, qoraal ka soo baxay xafiiska looga taliyo militariga Ciraaq ayaa lagu xaqiijiyay in wafdi ay u direen xudduudaha oo keli ah, mana aysan ka hadlin arrinta ku wareejinta.

„Waxaan qiimeyneynaa waxyaabaha looga baahan yahay militariga iyo amniga,“ ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.

Sidoo kale, maamulka Kurdiyiinta ee gacanta ku haya xadka laga gudbo ayaa beeniyay arrintaas.

Kaaliyaha sare ee hoggaamiyaha Kurdiyiinta, Massoud Barzani, ayaa sheegay in hadalka Turkiga iyo Ciraaq uu yahay „mid aan sal iyo raad lahayn.