SAWIRRO: Magaca iyo Sawirka Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii New York oo lasoo bandhigay.

Nin Gaadhi Nuuca Xamuulka qaada watay ayaa xalay dad badan ku dilay waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii uu jiirsiiyay gaadhigii uu watay.

Weerarkan gaadhiga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 8-qof , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha Caafimadka.

Ciidamada booliiska oo soo gaadhay goobta uu weerarku ka dhacay ayaa caloosha ka dhaawacay ninka dadka gaadhiga jiidhsiiyay oo sidoo kale watay biskoolado fake ah, waxaana ninkan hada lagu daweenayaa xarun caafimaad oo aad loo ilaalinayo.

Weerarkan waxaa fuliyay nin lagu magacaabo Sayfullo Saipov oo 29-sano jir ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Uzbekistan , ninkan ayaana xiliga uu dadka gaadhiga jiidhsiinayay ku dhawaaqayay Kalmada Allaahu Akbar.

Dowlada Mareykanka ayaa rumeesan in weerarkan uu yahay mid argagaxiso ay ka dambeeyeen kooxda Daacish, waxaana weeraro nuucan ah kooxdan horey uga geesatay Wadamo Yurub kuyaala.