Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Shan arrimood oo ku saabsan sidii loo dilay madaxweynihii hore ee Maraykanka (Sawirro)

1. November 2017/in Qormooyin/Articles /von admin

Dilkii qaarijinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii hore ee Maraykanka John Fitzgerald Kennedy ayaa waxa ay ahayd dhacdadii ugu naxdinta badnayd ee dhacday qarnigii 20-aad.

Iyada oo 50 sano laga joogo markii la dilay ayaa waxa ay dowladda Maraykanka markii ugu horreysay daaha ka rogtay illaa 3,000 oo dokumendiyo sir ah oo la xiriira waxa ay dowladda ka ogtahay dilkiisa.

Halkan waxaan kusoo koobaynaa shan arrimood oo ku saabsan wixii dhacay.

Maxaa dhacay ?

Kennedy iyo xaaskiisa Jackie wax yar ka hor intii aanan madaxweynaha la dilinKennedy iyo xaaskiisa Jackie wax yar ka hor intii aanan madaxweynaha la dilin

JF Kennedy ma uusan ahayn madaxweyne iska caadi ah, waxa uu ahaa mid Aqalka Cad nuuriyay, wuxuu ahaa halyay dagaal oo kasoo jeeda qoys taajir ah oo saameyntoodu badantahay, wuxuuna saaxiibo la ahaa dad aad caan u ah sida Frank Sinatra uti Dean Martin.

Xaaskiisa Jackie ayaa iyaduna ahayd mid qurux badan oo xagga labis ku xeeldheer.

22-kii November, 1963-dii waxaa Kennedy lagu toogtay magaalada Dallas, saacado gudahoodna waxa uu xaalka u muuqday in la xaliyay wixii dhacay kadib markii ay booliiska qabteen nin 24 jir ah oo ciidamada Marines-ka ka mid ahaan jiray oo lagu magacaabo Kee Harvey Oswald, kaas oo lagu soo oogay dacwad dil ah.

Dilka Kennedy ayaa waxaa duubay kaamarooyinka warbaahinta iyada oo ay xabbada ka dhex baxayso jirkiisa, wuxuuna saarnaa gaari dusha ka feedan oo uu dadka ka dul salaamayay.

Balse labo maalmood gudahood Oswald waxaa saxaafadda horteeda ku toogtay nin ah mulkiile caweys oo lagu magacaabo Jack Ruby xili maxkamadda laga soo bixiyay Oswald.

Dhimashada Oswald waxa ay meesha ka saartay in la ogaado runta waxa ay tahay iyo sidii ay wax u dhaceen ee rasmiga ahaa, gaar ahaan sababta loo dilay madaxweynaha, iyo cidda ka dambaysay dilkiisa. Waxayna taas horseeday in la faafiyo afkaaro aad u kala duwan oo ku saabsan waxa dhacay.

Sida ay dowladda qabto

Lee Harvey Oswald waxa uu ahaa ninkii loo qabtay dilka Kennedy, balse labo maalmood kadib ayaa lagu hor dilay warbaahinta horteedaHarvey Oswald waxa uu ahaa ninkii loo qabtay dilka Kennedy, balse labo maalmood kadib ayaa lagu hor dilay warbaahinta horteeda

Baaritaan ayaa la sameeyay, waxaana loo saaray dilka guddi lagu magacaabo Warren oo loogu magac daray xaakimkii madaxda ka ahaa guddiga oo lagu magacaabo Warren, wuxuuna guddigaasi baaritaankiisa kusoo gunaanaday in Oswald uu kaligiis falka geystay.

Waxa uu guddiga sheegay in aysan jirin wax la qariyay iyo cid kale oo soo qorsheysay dilka, balse waxaa mar kasta jiray su’aalo badan oo aanan laga jawaabin, waxaana shakiga sii kordhiyay maadaamaa lagu jiray dagaalkii qaboobaa ee adduunka.

Lee Harvey Oswald ayaa sanadkii 1959-kii u baxsaday dhanka Midoowgii Soviet, balse waxa uu Maraykanka kusoo laabtay sanad uun ka hor marka uu dilayo Kennedy.

Aragtiyada kale

Dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan dilka

Waxaa jira aragtiyo badan oo kala duwan oo laga qabo dilkii Kennedy, midka aad doonto ayaadna qaadan kartaa, qaar ayaa laga jilay aflaam Hollywood-ka, qaar ayaa buugaag laga qoray, qaarna waxaa aaminsan aqoonyahannada.

Aragti kale ayaa qabta in kooxaha maafiyada ay ka dambeeyeen dilka madaxweynaha, qaar kalane waxa ay eedeynayaan madaxweyne ku xigeenkiisii Lyndon Jognson.

Waxaana jira su’aalo badan oo laga qabo illaa heerka hay’adaha sirdoonka Maraykanka FBI iyo CIA ay ka warhayeen dilka madaxweynaha.

Maxay sheegayaan siraha cusub ee lasoo bandhigay?

Qaar ka mid ah qoraalada sirta ah ee lasoo bandhigayQaar ka mid ah qoraalada sirta ah ee lasoo bandhigay

Waxa ay qaadanaysaa muddo todobaadyo ah in lagu akhriyo siraha cusub ee lasoo qufey, sidaasi darteed wali ma jiraan wax weyn oo soo ifbaxay, balse waxaa jira waxyaabo xiiso leh oo aanan horay loo ogayn.

Waxaa ka mid ah wargeys British ah oo la wacay 25 daqiiqo ka hor intii uusan dilka dhicin, taas oo lagu wargaliyay in ‘War Weyn’ uu ka dhici doono Maraykanka.

Sidoo kale hay’adda sirdoonka FBI ayaa booliiska Dallas uga digtay in uu jiro qorshe la damacsanyahay in lagu dilo Lee Harvey Oswald oo loo haystay dilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo jiray in atariisho caan ah oo ka tirsan shirkadda Hollywood su’aalo laga weeydiiyay xaflado tamashlayn ah oo ay kala qeybgashay madaxweyne Kennedy.

Maxaa illaa hadda sir ah oo aanan la shaacinin?

Dhawr boqol oo diiwaano siro ah ayaanan wali la shaacinin

Hay’adda sirdoonka CIA waxa ay ku doodaysaa in boqolaal cajaladood iyo qoraalo ku saabsan wixii dhacay ay wali qarsoonaadaan, maadaamaa ay wax u dhimayaan amniga Qaranka Maraykanka.

Waxa ay ku qanciyeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in aanan la shaacinin, balse isaga waxa uu CIA u qabtay muddo 6 bilood ah in ay keenaan sabab cad oo ay tahay in diiwaanadaas ay sir u sii ahaadaan.

Dadka qaar ayaa qaba in hay’adaha sirdoonka ay qarinayaan qaladaadkii ay iyagu galeen.

Xigasho BBC.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/11/ken.jpg 371 660 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-11-01 09:48:412017-11-01 09:48:41Shan arrimood oo ku saabsan sidii loo dilay madaxweynihii hore ee Maraykanka (Sawirro)

raadin

warki u dambeeyey

  • Wax ka baro qarreennada ay Kenya u diyaarsatay dacwadda ICJ ee Soomaalia-Kenya
  • Maxkamadda ICJ oo War cusub ka soo saartay dacwada badda ee Soomaalia iyo Kenya.
  • Mareykanka Oo Cadeymo Ku Haya in u Dr, Abiy Ahmed Xasuuq Uu Geystay.
  • Imaaraadka oo guuldarro kale kasoo gaadhey qorshe uu ka damacsanaa Geeska Afrika.
  • Dawladda oo soo qabatay Hub kala duwan iyo ragii watay (Sawirro)

kaydka wararka

  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Dawladda Ciraaq oo maamulaysa xudduudaha laga galo Kurdistan. Hey’adda UNESCO oo soo saartay liiska Jaamacaddaha ugu wanaagsan Soomaali...
Nach oben scrollen