SAWIRRO: Ciidamadii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah oo soo gaadhay Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda Ethiopia ee dhowaan ka soo tallaabay xuduudka ayaa soo gaadhay degaano ka mida gobolka Gedo.

Ciidamadan oo kasoo gudbay xuduudda ay Ethiopia la wadaagto Soomaaliya, ayaa ka qeyb qaadan doona howlgallada la qorsheynayo in lagu waado maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna gaadheen Degmada Luuq ee Gobalka Gedo, iyadoo ay Saldhigyo ka samaysteen doonaan degaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka oo lagu wado inay soo gaadhaan Gobolka Sh/hoose.

Tirada ciidamada ayaa lagu wadaa inay gaadhaan ilaa 2000 askari oo qeyb ka ah ololaha dagaal ee lagu qaadi doono Alshabaab oo ciidamada Itoobiya ay qeybta ugu weyn ka qaadaneyso.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq ayaa sheegay in cutubyada cusub ee ciidanka Ethiopia ay qeyb ka noqon doonaan ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Koonfurta Dalka.