Dowladda Soomaaliya oo Alshabaab kala wareegtay deegaano Muhiim ah.

Iyadoo si guud ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya maalmahan dambe Gobolada Shabellooyinka ay uga wadeen dhaqdhaqaaq la xidhiidha hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ayaa Saraakiisha ciidamada Militariga waxa ay sheegeen deegaano cusub Shabaab inay kala wareegeen.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanod, ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka inay gaadheen deegaano cusub oo Shabaab ay horay u joogi jireen.

Deeganada ciidanka ay qabsadeen ayaa wuxuu ku sheegay Basra Daniga Baalow iyo tuulooyin kale oo muhiim ah una dhaxeeya Labada Gobal.

Abaanduulaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Soomaaiya inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Shabaab deeganada ay joogaan.

Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiya oo isku diyaarinaya qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ayaa marka hore doonaya inay xaqiijiyaan wadada isku xidha Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose inay tahay mid amnigeeda la isku haleyn karo.

Al Shabaab ayaa badanaa waxa ay joogaan hareeraha Degmada Afgooye iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay isku dayaan inay kala dagaalamaan ciidamada Xoogga dalka Soomalaiya iyo kuwa Amisom.