AMISOM :- Degmo Walba oo ay shabaab joogaan Anaga iyo Ciidanka Soomaali waan tagaynaa.

 

 

Taliyaha Ciidamada Amisom S/Guud Cismaan Nuur Subagle ayaa ka Hadlay Howlgalada ka Socda Gobolada Shabellaha Dhaxe iyo Shabellaha Hoose oo ay Fulinayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Amisom.
General Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada Amisom oo la Hadlay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dalka uu ku Jiro Xaalad Dagaal

Taliyaha Ciidamada Amisom waxa uu ka Hadlay Howsha Ciidamada Amisom ay ka Hayaan Dalka Soomaaliya ay Tahay Xureynta Dalka Soomaaliya oo uu Sheegay in ay kusoo Duuleen Cadowga Xagjirka ah ee Al-shabaab

 

Subagle ayaa Tilmaamay Meel kasta ay Cadowga Al-shabaab Joogaan ay Tagi Doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Amisom

Gobolada Dalka Soomaaliya waxaa Si Wadajir ah ugu Bilawday Howlgalo ka dhan ah Maleyshiyada Al-shabaab.