Kenya Oo Qiratay Jab Xooggan Oo Ay Kala Kulmeen Al-shabaab Iyo Askar Badan Oo Laga Laayay.

Ugu yaraan 12 Askari oo booliska dawladda Kenya  ka tirsan ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay weerar ay ku qaaden Al-shabaab xadka ay wadaagan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Askartaan la dilay ayaa Galbinaysay Gawaadhi ay la socdeen samafalayaal.

Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalamayashii Al-shababa ee soo weeraray balse looga dilay 12 Askari.

Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya sanadkii 2011kii kuwaasi oo qeyb ka noqday howlgalka AMISOM ee dagaalka Al-shabaab balse wixii waqtigaasi ka danbeeyay waxaa ku socotay weeraro joogta ah oo ay Al-shabaab ku qaadayeen gudaha Kenya marar badana Kenya soo gaadhay khasaare iyo jab.