Qormo Taarrikheed ku saabsan Shaqaalihii ugu Horreeyey ee dhabada Tareenka Jabuuti iyo Ethiopia

Aas-Aasidii Iyo Samayntii Baabuur Xadiidka Ee Djabouti Iyo Addis Ababa Waxay Dhagax-Dhig U Noqotay Abuurida & Dhismihii Magaalada Diri-Dhaba.
Aasaasida Baabuur Xadiidka bilowgiisi 1889 waxaa si dhab ah uga hawlgalay Xirsi Geele oo ka soo qaaday ama ka soo kaxeeyay xadiidka magaalada Jabuuti oo magaalada Diridhaba dhidibada ugu aasay. Majirin xiligaa magaaladu. Ma jirin guriga dawladu. Meeshaas oo ahayd Gunbur ama taagsiin laga ilaashado banka ka hooseeya marka xooluhu ku anbadaan mana jirin guryo aan ahayn girgido ama aqal soomali mooyaane dadka deeganka u dhashay ee ku noola waxay ahaayeen Soomaali , Ciise iyo Gurgure
Xirsi Geele wuxuu ku dhashay agagaarka Dirdhaba 1880 magaalada oo markaa magac iyo muuqaalba aan jirin. Sanado ka dib Xirsi oo 16 jir ah ayaa u tacabiray wadamada dibada si uu cilmi iyo aqoon farsameed u soo koradhsado. Xirsi wuxuu gaadhay magaala xeebeedka Masar ee (Alexandria). Wuxuu halkaa ku bartay Afka Carabiga iyo farsamada makanikada ama farsamo gacmeed. Kadib Xirsi wuxuu ayaan wanaag u helay inuu ka dhex shaqeeyo uu waliba soo raaco, markabkii dhismaha qalabka xadiidka u siday ee kusoo jeeday Dalka Jabuuti xiligaa soo noqoshadiisu waxay ahayd 1898 iyo bilawgii hawl galkiisa.
Shaqadiisu waxay iskugu jirtay xiligaas, inuu u kala turjumo ajaanibta iyo shaqaalaha Soomaaliyeed iyo inuu tababar farsameed siiyo shaqaalahaas. Taasi waxay qayb ka ahayd shirkada oo dad kala duwan u tababaraysay farsama gacmeedka.
Dhismihii Xadiidku markuu soo gaadhay magaalada Harawe, ayaa waxaa la is waydiiyay halka laga dhigi doono xarunta shirkada. Gudi farsamo yaqaan ah oo uu Xirsi hogaaminayo ayaa sahan ugu soo baxay goobta ku haboon Xarunta Dhexe
Waxay soo gaadheen halka maanta lagu magacaabo Diridhaba, oo ahayd Tuula yar oo Doox kala badho. Gunburtii ayay fuuleen, halkaas oo markii danbe noqotay guriga dawlada ee Boqor Hayla Selase markay si wanaagsan u duur galeen ayaa waxay isla garteen goobta laga dhigayo xarunta dhexe ee shirkada. Halkaas oo maanta lagu magacaabo Lagaarka ama Gaziirada.
Haddii la iswaydiiyo dadkii xiligaas daganaa Tuulada, waxaa la ogaaday in loogu yimid goobta la yidhaah Farasmagaalaha, reer balaadhan, oo Lo’ lay ah oo Gurgure ah. Dhinaca kale halka maanta garoonka Diyaaradaha ah waxaa loogu yimid oo daganaa reer sidaas oo kale u balaadhan oo Geel dhaqato ah oo ah Ciise. Labada reerba, Gurgure iyo Ciise, waxay ka tirsan yihiin Qoomiyada Soomaaliyeed, sidaa darteed ayaan lahaanshaha Dirdhaba aan marnaba muran galayn.
Xirsi Geele wuxuu hawsha Xadiidka ku jiray ilaa bilawgii dagaalkii labaad ee aduunka, xiligaas oo hawshii Xadiidku hakad gashay. Xirsina nasasho uu u baahnaa ayuu galay maadama ay hawshii hakad gashay , hase yeeshee, markuu dhamaaday dagaalkii iyo waliba dagaalkii Ethiopia lagaga xoraynayey Talyaniga, ayuu xirsi hawshiisii dib ugu soo laabtay. Dagaal kaasi wuxuu u dhexeeyey Talyaniga oo dhinac ah, Ethiopia iyo ingiriiska, faransiiska ……. oo dhinaca kale ah.
Waxaa marlagu tala jiray in dhismaha Xadiidka la fidiyo oo la geeyo Magalada Harar, xiligaas oo Magalada Harar ay ahayd Magaalo wayn oo leh taariikh qoto dheer. Hase yeeshee, hindisahaasi manoqon mid meel mar ah. Sababtoo ah labada magaalo ee Diridhaba iyo Harar waxaa u dhexeeya dhul buuro badan leh oo aan u sahlayn shirkada in ay kharash badan ku bixiyaan. Cilmiga maanta iyo technology ga cusubna ma jirin.
Dad ka socday wadamo kaladuwan ayaa ka hawl galay intii uu socday dhismaha Xadiidku dadkaas oo ahaa Greeg,Arman ,Masari,Turki, Suwiiserlan iyo Faransiis . ka sokow iyaga qofka kaliya ee Ethiopian ama African ah ee xirfada iyo makaanikada yaqaanay wuxuu ahaa Xirsi Geele. Xirsi, oo ahaa ninkii ugu horeeyay ee madoow ah ee noqday Baabuur-wade iyo Makanikba, wuxuu muujiyey firfir cooni, hawl karnimo, daacad nimo iyo kalsooni. Iskuwada gee oo Xirsi wuxuu noqday hanti qaran oo lagama maar-maan ah. Markii ay kasoo dageen dakada Qalabka dhismaha Xadiidka Xirsi oo goob joog ka ahaa kana shaqaynayey, ayaa hubin jiray in xubin walba oo ka mid ahayd qalabka ay la socotay Markabka
Konton Sano (50) sano oo waayo-aragnimo iyo xilkas nimo leh ayuu shirkada shaqadeeda si firfircooni leh u waday.laga bilaabo 1904 markii ay xafiisyadii shirkaduna kala dageen ayaa si rasmi ah looga dhigay shaqaale rasmi ah oo ay shirkadu ka maarmin ilaa uu ka gaadhay hawl gab 1954 tii.
Taasina waxaa lagu cadeeyey amaanta iyo abaal-gudyada uu ku mutaystay hawshiisan daacadnimo.
.
Wiilasha uu dhalay Xirsi qaar kood ayaa iyaguna ilaa maanta baal dahab ah kaga qoron Shirkada. Kuwa maanta iyo xiliyo horeba ka hawl gali jirey.

Wiilashiisa waxaa ka mid ah
 Maxamed Xirsi
 Axmed Xirsi
 Hurre Xirsi
 Caydiid Xirsi
 Yuusuf Xirsi
Cabdilahi iyo Cali Xirsi hawlo kala duwan ayey kasoo qabteen Shirkada oo ay ku jirto Baabuur wadida. Hadda Ismaaciil Xirsi, oo ah Gor-u-danbayn, ayaa wuxuu Shirkada uga hawl galaa waaxda ganacsiga iyo is gaadhsiinta.

Sawirka Beelwaynta Soomalida Diridhabe.