Xog Culus oo la helay Aalada ay qaraxyada u adeegsadaan Shabaab & Meelaha ay ka helaan.

Xoogaga Shabaab ayaa la ogaaday qaraxyada culus ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan inay u adeegsadaan hubka ay ka furtaan Xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom ee Soomaaliya hawlgalka u jooga.

Baadhitaan ay sameeyeen Saraakiil reer Galbeed ah ayaa lagu ogaaday awooda qaraxyada Shabaabka ay gaystaan inay yihiin kuwa aad u culus, waxaana ay isticmaalaan hubka ay ka qaataan xeryaha ciidamada Amisom, xilliyada ay ku soo qaadaan weerarada.

Greg Robin oo ka mid ah khabiirada dhanka qaraxyada oo ka qayb qaatay mashruuc baadhitaan oo ay maalgelisay dowlada Ingiriiska oo lagu baadhayey qalabka loo adeegsado qaraxyada ay Al shabaab fuliso ayaa sheegay in xog badan ka heleen aaladaha iyo siyaabaha ay Al Shabaab u sameyso qaraxyada ay dadka badan ku disho.

Sarkaalkaan ayaa sheegay qaraxyada Shabaabka ay ka gaystaan Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin kuwa ay aad u farsameeyeen, balse ay u isticmaalaan hubka Amisom, sida lagu ogaaday Baadhitaanka rasmiga ah ee la sameeyay.

“60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Soomaaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sameeyay hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha Amisom.” Ayuu yidhi Greg Robin oo Wareysi siiyay Jariirada Daily Nation ee kasoo baxda dalka Kenya.

Aalada wax qarxisa ee RDX EXPLOSIVES oo sidoo kale loo yaqaan “Cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyay hubkii ay ka qabsadeen ciidamada Amisom.

Waxaa la sheegay aaladan in lagu sameeyo dalka Uk, waxaana Saraakiisha Baadhitaanka ay sheegeen inay ka xoog badan tahay qaraxyada loo adeegsado aalada loo yaqaan TNT.

Shabaabka ayaa marka ay farsameynayaan qaraxyada waxa ay ku sii daraan aalada loo yaqaan (Aluminium Powder) oo sii cusleysa tanka ama awooda qaraxa si waxyeelada uu qaraxaasi u dhalinaayo ay u noqoto mid baaxad wayn.

Al Shabaab ayaa qarxiyayaasha u adeegsada Taleefoonada gacanta, oo ay ku sii xidhaan batteriga Mootooyinka ee 12V battery, fiilooyinka isku xidha ayey inta badan ka keensadaan dalka Yemen, ayuu yidhi khabiirkan ka qeyb qaatay baadhitaano ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagu eegayay bambaanooyinkii loo adeegsaday weeraradii Al Shabaab.