Daawo: Maamulka Puntland oo soo bandhigtay kaararka codeynta doorashada Soomaliland oo lagu qabtay gobolka.

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Axmed Ibraahim Cawaale oo gaadhey Gobolka Cayn ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah kaararka codbixinta maamulka Soomaaliland oo halkaas lasoo gaadhsiiyay.

Talaabadaan ayaa qeyb ka ah hawlgalo balaadhan oo ay Puntland uga hortageyso in maamulka Soomaaliland uu soo gaadhsiiyo diiwaangalinta iyo kaararka codbixinta doorashada xuduuda Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn oo maalmihii lasoo dhaafey ay wadey ciidamada Puntland.

 

Gobollada sool sanaag iyo cayn ayaa aad looga diiday doorashada maamulka Soomaliland uu wado waxaana shacabka gobolladaasi ay sheegeen in aysan dooneyn doorasho ku sheega uu maamulkaasi wado.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada