Aasaskii iyo Sooyaalkii Taarriikhda faca wayn ee Magaalada Diri-dhaba

Taariikhdu waa qayb ka mid ah Cilmiga Bulshada (Social science) oo ku saabsan waxa ay Aadamuhu xilliyadii hore qabteen. Qalabka ay adeegsanayeen iyo goobta ay deganaayeen. Deegaanadaas, oo maanta magaaloobay horumar badana sameeyey, ayaa waxay muujinayaan, cidda ay yihiin dadkaasi iyo guud ahaan sida ay ahayd noloshoodu. Waxaa kale oo cad, in umadaasi ay ab-iyo-isir u leeyihiin deegaanadoodaas.
Cilmi baadhis laga sameeyo si loo ogaado taariikhdaas iyo in ay jiraan dad ka ah goob-joog oo ka sheekeeya, sida ay runtii ahayd Taariikhdaasi. Magaalada Dhirdhaba, tusaale, waxaa ka sheekaynaya nin wax-garad ah oo magiciisa la yidhahdo Tefera Tadase. Tefera wuxuu dhashay 1914 T.I wuxuuna ku dhashay Magalada Dhirdhaba gaar ahaan xafad Daarood, oo maanta loo yaqaano Dhajatu. Ninkaas oo da’diisu qarni ku dhawdahay ayaa qaadaadhigaya taarikhda Dhirdhaba iyo dadkii ku noola xiligaas magalada.
Tefera Aabihii oo ah Tadese Tekle Gorgis wuxuu ahaa dadkii qoomiyada Amxaarada ka mid ahaa ee u soo hor galay Magaalada. Ka hor intuuna Talyaanigu qabsan Ethiopia wuxuu ahaa ganacsade. Kadib dagaalkii labaad ee Aduunka markii la aas-aasay maxkamadihii Af-Amhariga ku shaqaynayey wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee Garsoore ka noqda Maxkamada.
Tefera isagoo ka waramaya taarikhdan uu goob-jooga ka ahaa inteedii badnayd ayaa ku sheegay sidan hoos ku qoran
Xaafada Gaziirada waxaa daganaa, dadkii cadaanka ahaa ee ka hawl galay dhismaha iyo shaqada xadiidka. Greek, Armal , Turki, Talyani iyo Faransiis. Aqoonsi muujinaya inuu ka hawl galo shirkada xadiidka qof aan wadan marnaba uuma suurto galayn inuu Xaafadan Gaziirada galo. Baanan xiligaa majirin. Waxaase, hasayeeshee, loo yaqaanay (Bajiroond) oo maanta ah wasaarada Maaliyada
Xilagaa waxaa ka talin jiray Magalada Dhirdhabe Dawlada Ingiriska waxana gudoomiye u ahaa nin dadka magaladu ku magacaabi jiren Mejer Afinjo. Xafiiska uu Ingiriisku uga talin jiray Magalada wuxuu ku yaalay meesha maanta la yidhahdo Dhajaatu Baanki. Jeelka dadka lagu xidho wuxuu ku yaalay Meesha maanta la yidhaahdo Naashinaal Huteel. Afar sano ka bacdi markuu dhamaaday taliskii Ingiriiska ayaa Magalada Dirdhabe dib loogu soo celiyay gacanta Boqor Hayle Selase.
Ganacsatada ugu waawayn ee magaladu waxay ahaa yeen Soomaali iyo Carab. Maal qabeenada Soomaalida waxaa ka mid ahaa Maxamud Boore, Cadaawe Badar, Cabdale Gadiid iyo kuwa kale oo fara badan.
Talada magaaladu markay gacantii Ethiopia kusoo noqotay, ayuu Hayle Selase arkay inay magaaladu tahay mid Soomaaliyeed kuwaasoona ahaa dadkii u hiiliyey in uu si nabad- galyo ah dibada ugu baxo oo ay ka kaalmeeyeen. Wuxuu doonay in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed wax bartay oo maamulka Magaaladooda gacanta ku qabta, isagoo taas abaal-gud uga dhigaya kaalmadii ay siiyeen Soomaalidu. Kontan (50) dhalinyaro in ka badan ayuu Koolajkii ugu horeeyey Ethiopia ee la odhan jiray Teferi Mokonan wax barasho ugu diray. Waxaa ka mid ahaa nimankii kasoo qalin jabiyay Xasan Aabo Diid oo maanta waayeel ah.
Intaan ka ogahay ama aan u joogay Taariikhda waxaa aasaasay magaalada Dirdhaba, Qawmiyada Soomaaliyeed ee Ciise iyo Gurgure. Waana magaca magaalada marka la tilmaamayo loo yaqaanay “Ciise iyo Gurgure.” Dadkii aan soo gaadhay ama ila da’da ahaa ee farsamo-yaqaan iyo ganacsataba, waxay ahaayeen dhamaan dadkii deegaanka ee Soomaali iyo Caraba lahayd. .