Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Robert Mugabe oo laga qaaday xilkii Madaxa Xisbiga talada haya ee ZANU-PF.

19. November 2017/in WARAR/NEWS /von admin

  

 

Xubnaha Xisbiga talada haya ZANU-PF ee dalka Zimbabwe ayaa xilkii ka qaaday Robert Mugabe oo muddo 40 sano ku dhow hoggaaminayay xisbigiisa, iyadoo tan ay soo afjareyso xukunkii dheeraa

Xubnaha Xisbiga ayaa isku raacay in Hoggaamiyaha Xisbiga uu yahay Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, waxaana tani dhabar jab ku tahay Madaxweynaha da’da ah.

Qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Zimbabwe ayaa ka dambeeyay markii Robert Mugabe uu xilka ka qaaday kuxigeenkiisa, waxaana taas ka soo horjeestay Taliyaha Ciidamada Milateriga, taasoo keentay in Milateriga la wareego talada dalka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa xilka ka qaaday Xaaska Madaxweyne Mugabe Grace oo heysay hoggaamiyaha qeybta Haweenka ee Xisbiga ZANU-PF, isla markaana lagala noqday xubinimadii Xisbiga.

Chris Mutsvangwa oo ka tirsan Guddiga Dhexe ee ZANU-PF ayaa sheegay inuu sii dhamaanayo waqtigii wada xaajoodka ee madaxweyne Mugabe, isla markaana ay u wanaagsantahay inuu xilka ka dago inta ay goori goor tahay.

Waddo kale oo xilka looga qaadi karo madaxweyne Mugabe ayaa ah in baarlamaanka uu ku sameeyo shaqo ka joojin. 

Afhayeenka baarlamaanka Zimbabwe, Innocen Gonese ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in haddii uusan madaxweyne Mugabe xilka banneyn Maalinta Salaadada soo socota ay si dhaqso ah u billaabayaan hannaanka ay xilka uga qaadayaan.

Madaxweyne Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe qabtay sanadkii 1980, Ilaa iyo hadda waa madaxweynaha ugu muddada dheer ee Afrika.

Xilka ka tuurka Robert Mugabe waxay dhabada u furi doonta in la soo qabto cagan ku dhiigliihi Mengisto Hayle Maryam oo mudo ka badan 26 sanno ku dhuumaalaysanaayey dalka Zimbabwe.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/11/mugabe.jpg 183 275 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-11-19 15:29:352017-11-19 15:29:35Robert Mugabe oo laga qaaday xilkii Madaxa Xisbiga talada haya ee ZANU-PF.

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixinteedii Oo Ay Somaliland Diiradda... DEG DEG+DAAW: Xisbiga Mucaaradka Wadani Oo Isaga Baxay Doorashada Somaliland...
Nach oben scrollen