Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Jabuuti oo 1 malyan oo dollar ugu deeqday dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii Zobbe (Sawiro)

21. November 2017/in WARAR/NEWS /von admin
  

Dowlada Jabuuti ayaa ku wareejisay deeq lacageed oo gaadheysa hal malyan oo dollar gudiga qaran ee gurmadka iyadoo lacagtaana ay tahay mid lagu gargaarayo dadkii waxyeeeladu ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay Muqdisho 14kii Oktoobar ee sanadkan.

Wareejinta deeqda lacageed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka damqaday walaalahooda dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay waxana uu u  mahadceliyay dowlada Jabuti.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gargaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalmo kadib markii uu dhacay qarixii zoobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Deeq la guddoonsiiyay Guddiga Gurmad Qaran.
 
Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/11/deeq3.jpg 480 638 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-11-21 01:28:272017-11-21 01:28:27Jabuuti oo 1 malyan oo dollar ugu deeqday dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii Zobbe (Sawiro)

raadin

warki u dambeeyey

  • Ururkii ONLF oo Rayaale Xaamuud u Doortay Gudoomiye iyo qayb kale oo waxba kama jiraan ku sheegtay Doorashadda
  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.
  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Daawo Eng Faysal Cali Waraabe Oo Markii Ugu Horaysay Si Adag Uga Hadlay. Daawo Qaar ka mid ah jaaliyadda reer Saylac iyo Lughaya ee jabuuti ku dhaqan...
Nach oben scrollen