Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho kusoo Wajahan & Ujeedada safarkiisa oo la ogaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maanta magaalada Muqidsho ku soo wajahan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo.

Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socda Dowladda Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa saakay oo Khamiis ah wuxuu yimid magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyay.

Su’aasha meesha taalla ayaa ah, muxuu guddoomiyahan u yimid magaalada Muqdisho, safarkaanse ma ahaa mid laga sii war haayay.

Jawaabaha ayaa noqonaya safarka guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ku yimid Muqdisho wuxuu ahaa mid laga sii war hayey walibana ahaa mid la qorsheeyay.

Maalinta Sabtiga ah ayuu la hadli doonaa xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo aad u muhiim ah.

Dhanka kale, wakaaladdaha wararka qaarkood ayaa ogaatay sababo kale oo u yimid guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.

Wuxuu u yimi inuu si hoose ula hadlo xildhibaanno golaha shacabka ah oo diyaarinayey mooshin ka dhan ah xildhibaannada Guddoomiye Jawaari, wuxuuna ka