DIMUQRAADIYADA Maamulka SOMALILAND WAXAY AGOON KU DHEX NOQOTAY MANDAQADA GEESKA AFRIKA!!

Qormo Af-Carabi ku Qoran Oo u Diyaariyey Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir…. Waxa Af Somali u Rogay Cabdilahi Beershiya.

Sheekh Cabdiraxman Bashiir oo ka mid ah culimada Waweyn Ee Geeska Afrika Aadka looga yaqaan oo u dhashay dalka Djabouti ayaa boggiisa Face book-ga wuxuu  Habeen hore ku qoray qormo af Carabi ah oo uu u biixyey sawir I soo Jiitay oo uu uga jeedo sawirkii laba geesoodka ahaa ee ay sida wada jir ah u galeen Komishanka doorashooyinka iyo Madaxda saddexda Xisbi taas oo uu ku qaada dhigay ahmiyada doorashada shalay ka qabsoontay Somaliland ee lagu kala dooranayey Musharaxiinta saddexda xisbi ee Kulmiye Ucid iyo Wadani.

Haddaba qoraalkiisan oo aad u dheeraa taabanayeyna dhinacyo badan ayaa haddii aynu ka soo qaadano qaybo ka mid ah waxa u bilaabay; “  Markii u dhammaaday ololihii doorashada ayaa waxa aynu ku aragnay magaalada Hargeysa ee Caasimada ah kullan isu keenay laba dhinac oo kala ahaa Guddida doorashooyinka Madaxa bannaan iyo Madaxada saddexda xisbi. Guddida doorashooyinku siddii dhaqanka u ahayd waxay  sheegeen inay ka madax bannaan yihiin dhinacyada u loolanka siyaasadeed ka dhexeeyo. sidoo kale waxay  sheegeen in wax kastaba u dhamaystiran yahay oo jawigu u diyaarsan yahay inay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah.

Raga tartamaya dhinacooga waxay sheegeen in degenaashuhu yahay arrin lama taabtaan ah taasina ay meesha ka saarayso inuu dhaco dagaal sokeeyo oo dhex mara beelaha wada degen. dhammaantood waxay sheegeen in daqiiqada soo socota aanay iyagu lahayn ee u shacabku leeyahay , hadalkaasina u yahay marka si gaar ah loogu fiirsado mid tilmaamaya horumar siyaasadeed.

Waxaynu ka fahanay inay shacabka u direen bayaan amma hadal u jeedadiisu tahay siyaasadu waa loolan nabadgelyo ee maaha loolan dagaal qofna maslaxad uma aha inuu qof u dilo kursi waana miday Somaliland dheer tahay wadamada Carabta iyo kuwa kale oo  Islaam ahba…”

 

Wuxuu tilmaamay inay mudan tahay in ladhaafo saddex arrimood oo kal ah qabyaalada oo si wanaagsan loogu wada guuro dimuqraadiyada, inuu wali hooseeyo waciyga siyaasadeed kaas oo doodii siyaasadeed ka dhigay mid bilaa micne ah dadkuna ay ku mashquulsan yihiin ash-khaas halkii lagaga mashquuli lahaa barnaamijyo  iyo ugu dambeyn xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ka jira oo aan waxba ku kala duwanayn taasina ay keenayso in kolba mid loo hayaamo.

qaybta labaad ee qoraalkan Sheekhu wuxuu u bixiyey Xikmad iyo Taariikh waxaanu kaga waramay hayaankii dheeraa ee Somaliland u soo martay  degenaanshaha iyo wada noolaanshaha isagaoo ka xusay shirarkii ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Borame oo u ku tilmaamay inuu ahaa heshiis siyaasadeed oo qabaailka Somaliland wada gaadheen, cida ku dhaliisha siyaasada Somaliland inay reernimo ku dhisan tahayna u arrintaasi iska indho tirayo oo aanay Somaliland ku ceebeysnayn. “Dadka Somalida ah wali umay gudbin dawlada casriga ah laakiin waxa xusid mudan in  Somaliland ay jeexatay dimuqraadiyadeeda u gaarka ah”.. ayuu yidhi Sheekhu.

Wuuxuu intaa ku daray “ Dimuqraadiyada Somaliland maaha mid dhan walba ka dhamaystiran laakiin waxay ugu wanaagsan tahay dimuqraadiyada ka jirta mandaqada waayo waxa jira dastuur dadka oo dhami ay ixtiraamayaan, Dawlad la doortay, baarlamaan la doortay iyo warbaahin madax bannaan oo dhammaantood ciyaarta dimuqraadiyada ka dhigaya mid aad u qiimo badan”.

Wuxuu intaa raaciyey  in shacabka reer Somaliland uu ku dhex arkay laba awoodood oo qiime badan u leh dadka shicibka ah kuwaas oo saameyn weyn ku leh siyaasada waxaanu ku sheegay inay yihiin Wadaadada iyo Ganacsata barkulankoodu yahay degenaanshaha iyo wada jirka.

Ugu dambeyn wuxuu maqaalkiisa cinwaan-hoosaad  uga dhigay  Casharada laga faaiideysan karo arrintan waxaanu ku yidhi “  Sawirkan waxa inooga soo baxay cashar muhiim ah oo ah in khilafka siyaasadeed aanu ahayn is cidhibtir iyo is muquunin waana cashar muhiim u ah  maamulada ka jira geeska Afrika. waxa kale oo aynu ka baranay in wixii la isku og yahay la soo saaro miiska dushiisa halkii hoosta lagaga haysan lahaa waana arrin kale oo muhiim ah.

Sawirkan (sawirkii ay wada galeen madaxada Xisbiyada iyo guddida doorashooyiku) waxa iiga soo baxay oo kale laba arrimood oo kala ah:

Arrin in laga midaysanaa inay daruuri tahay iyada oo u jiro kala duwanaansho siyaasadeed.

In guddida doorashooyinku ay u diyaar garoobeen qabashada doorashada oo aanay jirin wax cabsi ah.

Inaga waxa inala gudboon inay si wanaagsan u dhugano dhacdadan la yaabka leh oo aynu ka faa’iideysano, waxa kale oo inooga soo baxay in shacab aan ictiraaf haysan u samayn karo dimuqraadiyad mid ictiraaf haysataana aanu samayn karin sidaas ayuu casharkani inoogu noqday mid muhiim ah oo wanaagsan.

Waxa jira qof casharkan ku eegaya il xaasidnimo leh, waxa kale oo jira mid casharkan u eegaya si shakisan, laakiin muhiim maaha arrimahaas oo dhan waxase muhiim ah in aan ku guuleysano inaynu dhaafno boogaha iyo xasaasiyadaha marka aynu halkaas isla dhaafno ayeynu u gudbi karnaa arrin kale oo aynu si cilmiyeysan uga doodno”