DAAWO MUUQAALKA Sida Baladweyne Loogu Soo Dhaweeyey Gudoomiyaasha Barlamaanada Soomaliya Iyo Jabuuti.

Wafdi Oo Hogaanimayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad Taliyaha Ciidamada AMISOM Xubo ka Socda Safaarada Jabuuti ayaa Maanta soo gaadhay  Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta si weyn ugu soo dhaweyay Magaalada Baledweyne Guddoomiyeesha,waxaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle Sarakiisha Ciidamada Dowlada  kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada.

Ujeedka Masuuliyeentan ayaa ah in ay ka qeeyb Galaan Munaasabad Lagu kala wareejinayo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda wadanka Jabuuti

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Shalay soo Gaadhay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta uu soo Gudbay Magaalada Baledweyne,waxaana Gobolka Hiiraan ku sugan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya Jooga.