DAAWO SAWIRRO: In ka badan 235 qof oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Masjid kuyaala Masar.

Maleeshiyaad hubeesan ayaa weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaas toos ah waxa ay ku qaadeen Masjid kuyaala magaalada Bir al-Abed ee gobolka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar, waxaana weerarkaasi lagu dilay dad aad u badan.

Booliiska magaalada Bir al-Abed ayaa ku waramay in rag hubeesan weerar qaraxyo iyo mid toos isugu jira ku qaadeen Masjidka xili lagu guda jiray Dukashada Salaada Jimcaha.

In ka badan 235 qof ayaa lagu dilay weerarka masjidka lagu qaaday, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof kuwaa oo qavba dhaawacyo aad u culus.

Masjijdka Weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ku cibaadeesanyeen dad taageersan Dowlada Masar gaar ahaan laamaha amaanka, walina ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan Masjidka lagu qaaday.