Puntland oo ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Xeebta ee Garacad (Sawirro)
Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee Puntland ayaa la geeyay deegaanka Xeebta Garacad ee Gobolka Mudug, si ay uga hortagaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ka soo tallaabaan.
Ciidamadan oo wata doonyo dheereeya ayaa howl gallo amniga lagu sugayay ka wada Badda iyo Barigga deegaanka.
Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa sheegay in howl galada lagu xaqiijinayo deegaanada xeebaha ay joogto noqonayaan.
Dadka deegaanka Garacad ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo habeen iyo maalin sugayay amniga
Deegaanka Garacad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku tallaabsanayay horumaro kala duwan, iyadoo deegaanka ay gaareen dad raba inay ganacsi ka sameystaan iyo kuwa dalxiisayaal ah.
Ciidamada Badda Puntland ayaa waxaa dhanka tababarka iyo qalabeynta ka taageera Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa in mushaarkooda ay bixiyaan.
Sanadkii 2016 ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo ku gaareen deegaanka Garacad iyo deegaanada kale ee xeebaha Puntland, waxaana dagaalyahanadaas badankood iyagoo nool lagu qabtay howl gal ay fuliyeen ciidanka Puntland.